Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Israa’iil Oo Qarka U Saaran In Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyo

focus

Raysal Wasaaraha Israa’iil Oo Qarka U Saaran In Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyo

(SLT-Israa’iil)-Saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga haya tallada Israa’iil ee Likud ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii daaqada looga saari lahaa Raysal wasaare Benjamin Netanyahu.

Arintaan ayaa timid kadib markii lala xidhiidhiyay eedaymo musuq maasuq mudada uu xilka hayo.

Kadib saddax sano oo baadhitaan ah, ayaa xeer ilaaliyaha Guud ee Israel Avichai Mandelblit, uu maalintii Khamiistii u Maxkamadeeyay eedo Musuq Maasuq.

Mr Mandelblit ayaa intaa ku daray in Netenyahu uu jabiyay sharciga iyo aaminaada lagu qabay maadaama lagu helay saddex fadeexadood oo kala duwan.

Warbixin ka koobneyd 63 bog oo baadhayaasha soo saareen ayaa muujinaya in Netenyahu uu aqbalay in laaluush uu ka qaato maalqabeeno ay saaxiibo dhow Yihiin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top