Connect with us

somalilandtoday.com

Itoobiya Oo Ismaamul Tobnaad Uu Ku Soo Biiray

News

Itoobiya Oo Ismaamul Tobnaad Uu Ku Soo Biiray

(SLT-Addis Ababa)-Waxaa lagu dhawaaqay natiijada afti laga qaaday Arbacadii dadka laga tirada badanyahay ee Sidama ee dega qeyb ka mid ah koonfurta dalka Ethiopia. Aftidan ayay qowmiyadda Sidamadu ku doonayeen inay ku yeeshaan dowlad-goboleed la mid ah kuwa qowmiyadaha kale ee Ethiopia ay leeyihiin.

98.51% dadkii codeeyay oo lagu qiyaasay 2.3 malyuun oo qof ayaa “haa” ku taageeray dhismaha maamul goboleed ay dadkoodu yeeshaan.

Dadka ku nool Sidama ayaa muddo dheer halgan ugu jiray sidii ay ku heli lahaayeen maamul u gaar ah.

Aftidan laga qaaday Sidama iyo natiijada ka soo baxdayba waxa ay tijaabo u aheyd awoodda dowladda Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ay u leedahay xakameynta dareenka wadaniyadda qowmiyadaha ku saleysan ee Ethiopia ku xoogeystay, taasoo halis dhinaca kala qeybsanaanta ah ku heysa dalka.

Deegaanka Sidaama ayaa ka mid noqonaya 10-ka ismaamul uu yeelanayo dalka Itoobiya, iyada oo deegaannada horay u jiray ay ahaayeen deegaannada (Soomaalida, Oromada, Amxaarada, Tigreega, Canfarta, Shucuubta Koonfureed, Gaambeella, Benishaangul-gumuz iyo Hararida) deegaanka Tobnaadna uu noqonayo Deegaanka Sidaama oo shalay si rasmi ah loogu dhawaaqay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top