Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Namibia Oo Xabsiga Dhigtay Wasiirro Hore Oo Lagu Helay Musuq Maasuq

focus

Dowladda Namibia Oo Xabsiga Dhigtay Wasiirro Hore Oo Lagu Helay Musuq Maasuq

(SLT- Namibia)-Wasiirkii hore ee kaluumeysiga iyo Kheyraadka Dabiiciga Namibia Bernhard Esau, ayaa xabsiga la dhigay kadib eedaymo musuq maasuq iyo dhaqashada lacagta Madow.

Arintaan ayaa timid markii warbaahinada Al Jaziira iyo RUV oo ay leedahay dowlada Iceland ay baahiyeen xog uu soo dusiyay bogga siraha faafiya ee WikiLeaks.

Maxkamada Namibia ayaa dhanka kale amartay in la soo xidho wasiirkii hore ee cadaalada Sacky Shanghala, gudoomiyaha shirkada qaran ee kaluumeysiga dowlada James Hatuikulipi.

Fadeexada Musuq Maasuq ee loo jeediyay golaha wasiirada Namibia ayaa dhanka kale waxaa loo soo qabtay wiilka wasiirka kaluumeysiga uu sodogga u yahay ee lagu magacaabo Tamson Hatuikulipi.

Xogtaan ayaa markii ay soo shaacbaxday saacado kadib waxaa xilka iska casilay wasiirada kala ah Esau Shanghala.

Ku dhowaad 30,000 oo xog ah oo isugu jira qoraalo dhanka Email-ka ah warqado la daabacay iyo qoraalada lagu keydiyo, taleefanada oo loo yaqaam Memo ayaa muujinaya doorka ay wasiiradaan ku lahaayeen in si aan sharci aheyn loo lunsado Kaluunka Namibia.

Arintaan ayaa waxaa qeyb ka ah shirkad laga leeyahay wadanka Iceland oo dhaca qaarada Yurub.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top