Connect with us

somalilandtoday.com

Dad Ku Dhintay Diyaarad Ku Dhacday Dalka Congo

focus

Dad Ku Dhintay Diyaarad Ku Dhacday Dalka Congo

(SLT-Congo)-Ugu yaraan 19 qof oo iskugu jiray rakaab iyo shaqaalihi diyaaradda ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, kaddib marki ay diyaarad nuuca yar ay ku dhacday xaafado la daganyahay oo ku yaalla magaalada Goma ee dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Goob joogayaal ayaa sheegay, in diyaarada ay ku dulburburtay guryo ku yaalla xaafaddaMapendo ee magaalada Goma, halkaas oo laga cabsi qabo inuu ka dhasho khasaare nafeed.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Dornier-228 ayaa kusii jeeday magaalada Beni oo 350 km u jirta magaalada Goma, waxana ay dhacday in yar kaddib marki ay ka kacday garoonka Goma.

Dadka dhintay ayaa isugu jira 17 qof oo rakaab ahaa iyo lab aka mid ahaa shaqaaliyihi diyaaradda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top