Connect with us

somalilandtoday.com

Duulimaadyadii Tooska Ah Ee Muqdisho Iyo Nairobi Oo Maanta Dib U Bilaabmay

focus

Duulimaadyadii Tooska Ah Ee Muqdisho Iyo Nairobi Oo Maanta Dib U Bilaabmay

(SLT-Hargeysa)-Hay’adda Duulimaadyada Rayidka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u bilaabmeen duulimaadkii tooska ah ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Heshiis ay dhawaan Magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kena Uhuru Kenyatta ayaa waxa ku jiray in dib loo bilaabi duulimaadyada tooska ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, ka dib khilaaf hore u soo kala dhex galay labada dhinac.

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa shalay si toos ah waxaa uga duushay diayaarad ku sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, taasoo rakaabka saaran si toos ah uga dajisay Nairobi.

Ka hor heshiiska Farmaajo iyo Kenyata ay kala saxeexdeen, waxa qasab ahayd in diyaaradda ka duusha Muqdisho ay sii marto oo lagu sii baadho Magaalada Wajeer ee Dalka Kenya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top