Connect with us

somalilandtoday.com

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Oo Culimada Uga Digtay Inay Baraha Bulshada Ku Dooddaan

focus

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Oo Culimada Uga Digtay Inay Baraha Bulshada Ku Dooddaan

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa culimada uga digtay in ay baraha bulshada ku dooddaan, iyadoo sheegtay in doodaha la xidhiidha arrimaha diinta ee baraha bulshada la isu mariyo ay waxyeello u geysan karaan wadajirka ummadda.

Halkan ka akhriso qoraalka digniinta ah ee ay Wasaaraddu soo saartay:

Digniin!!!

Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, Waxa ay digniin adag u diraysaa Culima -Awdiinka maalmahan dambe caadaystay in ay baraha bulshada isu mariyaan hadallo xanaf leh oo saamayn ku yeelatay guud ahaan ardayda barata Diinta Islaamka (Daalib Al- Cilmi) kaas oo ku saabsan in culimadu midba midka kale ka dalbanayay dood cilimiyeed (MUNAADARO) doodahani waxa ay wax yeello weyn u geysan karaan wada jirka iyo nabadda ee aynu ku noolayn muddada badan. Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waa Wasaarad u dhaxaysa guud ahaan culimada dalka cid si gaar ah u sheegan kartaa ma jirto.

Haddaba, laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 21-November-2019, saacadduna tahay 2:00pm, Waxa la farayaa cid kasta oo ka hadasha arrintan qaabka ay doontaba ha ahaatee in ay Wasaaraddu la xisaabtamayso, waajibkiisana marinayso.

Allaa Mahad Leh

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta J.S.L

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top