Connect with us

somalilandtoday.com

Axmed Xuseen Oo Mar Kale Xil Wasiirnimo Looga Magacaabay Dalka Canada

focus

Axmed Xuseen Oo Mar Kale Xil Wasiirnimo Looga Magacaabay Dalka Canada

(SLT-Ottawa)-Axmed Xuseen oo ah Soomaali Canadian ayaa waxaa uu mar kale ka soo dhexmuuqday Golah Wasiirada dalka Canada ee uu shaaciyay Justin Trudeau.

Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa shaaciyay liiska 36 Wasiir oo 18 ka mid ah ay haween yihiin, waxaana uu isbeddel dhinaca wasaaradaha ah ku sameeyay qaar ka mid ah wasiiradii ku jiray golihii hore.

Axmed Xuseen oo ahaa Wasiirka Socdaalka iyo Soo Galootiga ee Canada ayaa hadda laga dhigay Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Dhallinyarada, waxaana uu ka mid yahay tiro wasiirro ah oo dowladdii hore ku jiray islamarkaana nasiib u yeeshay in ay soo laabtaan.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Canada Chrystia Freeland, ayaa laga dhigay Ra’isalwasaare Ku-xigeen iyo wasiirka isku xidhka gobolada Canada.

Soomaalida Canada ayaa sheegaya in Axmed inkasta oo ay la rabeen waasaradiisii hore haddana midda loo dhiibay ay iyaga muhiim u tahay maaddaama Soomaalida laga qaato carruurta, dhallinyaraduna dilal kala kulmaan dalka Canada isaguna uu yahay qof fahmaya dhaqanka Soomaalida.

Golaha Wasiirrada oo isla xalay la dhaariyay ayaa waxaa ay yihiin kuwa xukuumaddoodu ayna heysan aqlabiyadda dalka Canada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top