Connect with us

somalilandtoday.com

Muqdisho: Almaas Elman Oo Lagu Dhex Dilay Xerada Ciidammada Amisom Ee Xalane

focus

Muqdisho: Almaas Elman Oo Lagu Dhex Dilay Xerada Ciidammada Amisom Ee Xalane

(SLT-Muqdisho)-Almaas Elman Cali oo ahayd gabadh dhalinyaro ah ayaa goor dhawayd lagu dhex dilay Xerada Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Xalane, oo ku taalla Magaalada Muqdisho.

Gabadhan oo wadatay gaadhi nooca raaxada ah ayaa waxaa la soo sheegaya in lagu dhex dilay Xerada Ciidanka Amisom, iyadoo aan la garanayn cidda dishay.

Almaas Elman ayaa waxay hore u soo noqotay Xoghayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, sidoo kalena waxay ka shaqaysaa arrimaha xuquuqul insaanka.

Almaas ayaa waxaa dhalay Elman Cali oo u dhaqdhaqaaqi jirtay xuquuqda aadanaha.

Booliska Soomaaliya ayaan weli ka hadlin cidda dishay gabadhan oo samafal ahayd.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top