Connect with us

somalilandtoday.com

IRAN Oo Farriin Hanjabaad Ah U Dirtay Mareykanka

focus

IRAN Oo Farriin Hanjabaad Ah U Dirtay Mareykanka

(SLT-Tehran)-Xukuumadda Tehraan ayaa u yeedhay safiirka Swisserland ahna matalaha Iiraan iyo Mareykanka ugu kala dabqaada danaha labada dhinac, si wax looga weydiiyo dibadbaxyada rabshada wata ee ruxay magaalooyinka waaweyn ee dalka Iiraan.

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Washington ay wado faragalin gudaha oo ka dhan ah maamulka Kacaanka Islaamiga.

Mr Markus Leitner ayaa looga yeedhay xarunta wasaaradda arrimaha Dibadda waxaana la hordhigay cabasho toos ah oo la xidhiidha talaabada uu Mareykanka ku taageeray dibadbaxyada rabshada wata ee gilgilay dhowr magaalo oo ku yaalla dalka Iiraan.

Rabshadaha ayaa yimid kadib markii dowlada Iiraan ay qiimo kordhin ku sameysay Gas-ka taasi oo dhalisay cadhada dadweynaha.

Wasiirka arimaha dibada Mohammad Javad Zarif ayaa canbaareeyay dadaalada Mareykanka uu ku doonayo in uu ku burburiyo dhaqaalaha Iiraan waxaana uu intaa ku daray in qawaaniinta caalamiga ah xitaa ayna ku jirin habdhaqanka Washington.

Mr Zarif ayaa intaa ku daray in Mareykanka uu qaadi doono mas’uuliyada waxwaliba oo ka dhaca Iiraan ayna la xisaabtami doonaan.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo uu sheegay in Washington ay taageereyso dadka wada dibadbaxyada lagaga soo horjeedo maamulka Iiraan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top