Connect with us

somalilandtoday.com

Puntland Oo Ka Hadashay Dilkii Taliyihii Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Gobolka Mudug

focus

Puntland Oo Ka Hadashay Dilkii Taliyihii Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Gobolka Mudug

(SLT-Mudug)- Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowladda Gobolleedka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in laba dhalinyaro ah ka danbeeyeen dilkii xalay Gaalkacyo loogu geystay Taliyihii Sirdoonka iyo Nabad-sugida gobolka Mudug Col Xaanshi Aadan Cilmi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in labadan qof markii ay dilka fuliyeen kaddib ay baacsadeen rag dhalinyaro ah oo la shaqeeya maamulka, laakiin nasiib darro mid ka mid ah dhalinyaradii baacsatay la dhaawacay.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka Gaalkacyo aan ka heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Ammaanka Puntland ay wadaan howlgallo kala duwan oo saraakiil ka tirsan Puntland ay sheegeen in ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Taliyaha ayaa la dilay xilli uu ku sugnaa xaafad lagu magacaabo Suuq Barwaaqo oo ku taalla Waqooyiga Gaalkacyo, waxana dilka taliyaha ka hadlay maamulka Gobolka Mudug ee Puntland.

Gaalkacyo waxaa sidan oo kale dhowr jeer oo hore lagu dilay saraakiil ka tirsan dowlad gobolleedka Puntland waxaa inta badan dilalka noocan ah sheegtay kooxaha ka soo horjeeda dowladda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top