Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo diiday in la xayiro Telefishanka Horn Cable TV

focus

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo diiday in la xayiro Telefishanka Horn Cable TV

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo diiday in la xayiro Telefishanka Horn Cable TV

War-saxaafadeed: Xayiraad diidis iyo Rumaan

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku diiday in la xayiro Telefishanka Horn Cable TV, oo ay xukuumadda Somaliland saaka horgaysay qoraal ay kaga dalbanayso Xayiradaas.
Maxkamadda Gobolka Maroodijeex waxay saaka toddoba cisho oo Rumaan ah u jartay Wariye C/qaadir Cismaan Casayr (Coday), oo ay xukuumaddu sifo sharci darro ah ku xidhay, iyadoo Amartay in la hor keeno Maxakamadda Eeda loo haysto oo dhamaystiran
Ururka SOLJA waxa uu mar walba ku kalsoon yahay in uu cadaaladda u maro furdaaminta Wariyayaasha iyo hay’addaha warbaahinta ee sharci darrada lagu xidhayo, isagoo u arka Xukuumaddu inay xagal daacinayso ku dhaqanka sharciga iyo Heshiisyada la gaadho.
Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay joojiso talaabada ay mar walba ku qaadayso Warbaahinta isla markaanna Ixtiraanto nidaamka sharciga ah ee Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafaddu dhigayaan.
Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa wariyayaasha iyo Mulkiilayaasha hay’addaha warbaahinta inay ilaaliyaan sharciga isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo ka hor imanaya oo ay ku mutaysan karaan Ciqaab.
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka SOLJA

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top