Connect with us

somalilandtoday.com

Millatariga Israa’iil Oo Xadgudub U Geystay Saxafiyiin U Dhashay Falastiin

focus

Millatariga Israa’iil Oo Xadgudub U Geystay Saxafiyiin U Dhashay Falastiin

(SLT-Gaza)-Millatariga Israa’iil ayaa tacadi xooggan u geystay qaar ka mid ah saxafiyiinta Falastiin oo dibadbax nabadeed ka waday daanta Galbeed Axadii shalay.

Arintaan ayaa timid kadib markii saxafiyiinta ay ka xumaadeen rasaas toos ah oo lagu furay wariye Mucaad Amarneh kaasi oo ku waayay Ishiisa Midig.

Wariye Mucaad ayaa ishiisa ku waayay xilli uu duubayay isku dhac xooggan oo dhax-maray maalintii Jimcaha ciidanka amniga Israa’iil iyo dhalinyarada ku magaalada Surif.

Goob-joogayaal diiday in magacooda la xuso ayaa wakaalada wararka Falastiin ee Wafa u sheegay in ciidanka Israa’iil ay rasaas toos ah iyo sunta dadka ka Ilmeysiisa u adeegsadeen saxafiyiin iskugu soo baxay wadada laga galo degmada Bethlehem gaar ahaan dhanka waqooyi.

Millatariga Israa’iil ayaa dhanka kale jidh-dil xooggan u geystay qaar ka mid ah saxafiyiintan waxaana la sheegay in la burburiyay agabka ay ku shaqeysanayeen gaar ahaan Camerada lagu duubo Muuqaalada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top