Connect with us

somalilandtoday.com

Warqad Furan Oo Ku Socota Cabdirashiid Riyo-raac W/Q Cabdikariin Axmed Mooge

focus

Warqad Furan Oo Ku Socota Cabdirashiid Riyo-raac W/Q Cabdikariin Axmed Mooge

Waxaan si shakhsi ah, oo aan nacayb qoffeed iyo mid qabiiltoona ku jirin, kaga codsanayaa in aad Somaliland, sii’sato xubinimadaada KDQ. waayo adiga oo is casila waxay soo afjari kartaa khilaafkan ka dhashay magacabistaada, waxaanay isu soo dhaweyn kartaa guud ahaan ummadda iyo gaar ahaan xisbiyada qaranka ee ku kala fogaaday magacaabistaada KDQ! Waxa codsigaygani ka turjumayaa in qofka iyo Somaliland, Somaliland weyntahay!

Maanta oo kale geesiga ayaa tanaasula ummaddiisana kala furta! Ee minfadlakum ummaddaada u tanaasul oo xal u noqo is’mariwaagan ka dhashay magacabistaada!

Hadaad dadkaaga u tanaasusho waxaan Allah kaga baryayaa wax ka wanaagsan xubin koomishan iyo in ummaddaadu kugu aqoonsato go’aankaga geesi qaran!

Xalkuba wuxu ku jiraa adoo yidhaahda anigu sabab u noqon maayo ama magac xumo igu raaci mayso in doorashooyinka Somaliland dib ugu dhacaan in aan xubin ka sii ahaado KDQ ee waan iska casilay anoo ummadda u tudhaaya!

Hadii Allah ku garansiiyo mahadsanid hadii ay ku adkaatana nasiibkeen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top