Connect with us

somalilandtoday.com

SANAAG: Al-Shabaab Oo La Sheegay Inay Qabsatay Deegaan Hoos Taga Degmada Yubbe

focus

SANAAG: Al-Shabaab Oo La Sheegay Inay Qabsatay Deegaan Hoos Taga Degmada Yubbe

(SLT-Yubbe)-Warar ka imanaya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Dagaalyahanno ka mid ah Kooxda Al-shabaab inay qabsadeen deegaan Hoos taga Degmada Yubbe ee Bariga Gobolka Sanaag.

Deegaanka la sheegay inay Al-shabaab qabsatay ayaa Magaciisa lagu sheegay Gacan-maroodi.

Warbaahinta Puntland qaarkeed ayaa baahiyey in Dagaalyahannada Al-shabaab oo ka soo kicitimay Buuralayda Caalmadow ay isku fidiyeen deegaanka Gacan-maroodi oo hoos taga degmada Yubbe, isla-markaana bilaabeen inay Dhufaysyo ka samaystaan deegaankaasi.

Warka ayaa intaa ku daraya in laga cabsi qabo in Kooxdan Tiradoodu ku dhowdahay 100 Dagaalyahan ay weerar ku qaadaan Degmada Yubbe e bariga Gobolka Sanaag.

Laamaha amaanka ee Somaliland ayaan weli ka hadlin Wararka sheegaya in Dagaalyahanno Al-shabaab ka mid ahi qabsadeen deegaanka Gacan-maroodi.

Al-shabaab ayaa ka dhaqdhaqaaqyada Buuraylada Galgala ee Gobolka Sanaag, waxayna Weerarro joogto ah ku haysaa Maamulka Puntland.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top