Connect with us

somalilandtoday.com

Beesha Caalamka Oo Soo Dhaweysay Heshiiskii Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Kenya

focus

Beesha Caalamka Oo Soo Dhaweysay Heshiiskii Madaxweynayaasha Soomaaliya Iyo Kenya

(SLT-Nairobi)-Dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee bahwadaagta la ah dalka Soomaaliya sida AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany,IGAD, Italy,OIC, Sweden, Turkey, Uganda, UNSOM iyo Maraykanka ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay madaxda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ku gaadheen caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen beesha caalamka ayaa lagu sheegay in heshiiskii 14kii bishan ay ku gaadheen magaalada Nairobi Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru uu ahaa tallaabo qiime leh oo lagu xoojinayo xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal.

“Waxaan ammaaneynaa dadaalada shaqsi ee ay geliyeen labada hogaamiye sidii loo horumarin lahaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in heshiiska labada wadan uu yahay mid u horseedaya horumar shacabka labada dal,uuna saameyn xoog leh ku yeelanayo horumarka guud ee Geeska Afrika,”ayaa lagu yidhi bayaanka.

Beesha Caalamka ayaa rajo weyn ka muujisay in la hirgelin doono qodobada ay ku heshiiyeen labada madaxweyne kuwaasoo sii xoojinaya xidhiidhka labada dal.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top