Connect with us

somalilandtoday.com

Bashar Al-Assad Oo Digniin Adag U Diray Millatariga Mareykanka Ee Ku Sugan Suuriya

focus

Bashar Al-Assad Oo Digniin Adag U Diray Millatariga Mareykanka Ee Ku Sugan Suuriya

(SLT-Dimishiq)-Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Assad ayaa sheegay in ciidanka Mareykanka ee ku sugan gudaha dalkaasi ay ku qasbi doonaan in ay iskaga baxaan dhulka Suuriya.

Mr Assad oo wareysi siinayay Tv-ga Rossiya-24 TV ayaa tilmaamay in Mareykanka uu la kulmi doono cawaaqib xun iyo guuldaro soo gaadha ciidankiisa ku sugan Suuriya.

Wuxuu tusaale u soo qaatay in xukuumadda Washington ay ku fashilantay ololaheeda millatari ee wadamada Ciraaq iyo Afghanistan, Suuriyana ay la mid noqon doonto.

Hoggaamiyaha Suuriya ayaa dhanka kale ku hanjabay in dowladiisa ayna waxba la hadhi doonin si ciidanka shisheeye looga xoreeyo deegaanada ay ku sugan yihiin.

Mr Assad ayaa dhanka kale meesha ka saaray in tani ay noqon doonto dagaal toos ah oo u dhaxeeya Ruushka iyo Mareykanka.

Mar uu ka jawaabayay in ciidanka Ruushka ee ku sugan Suuriya, ayaa wuxuu sheegay in ay ka duwan yihiin kuwa Mareykanka oo uu ku sheegay in duulaan ay ku soo Qaadeen dalkiisa.

Madaxweyne Bashar Al-Assad ayaa tilmaamay in ciidanka Ruushka ay taageerayaan kuwa dowlada si looga adkaado kooxaha argagixisada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top