Connect with us

somalilandtoday.com

Barack Obama Oo Digniin U Diray Musharaxiinta Isbedel Doonka

focus

Barack Obama Oo Digniin U Diray Musharaxiinta Isbedel Doonka

(SLT-Washington)-Madaxweynihii hore dalka Mareykanka Barack Obama ayaa digniin u diray musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga, waxa aanu uga digay siyaasadaha aan xaqiiqda ku saleysnayn.

Mr Obama ayaa sheegay in Dimuqraadiyiinta ay khatar ugu jiraan inay lumiyaan codbixiyaasha. Madaxweynihii hore oo ka hadlayay munaasabad dhaqaale lagu uruurinayay ayaa waxa uu sheegay in codbixiyaal badan ayna doonayn in habka siyaasadeed la baabi’iyo .

Ilaa 18 musharax oo ka socota xisbiga Dimuqraadiga ayaa u tartamaya inuu mid walba noqodo musharxii xisbiga ku matali lahaa doorashada 2020-ka ee Mareykanka.

Musharaxiinta ugu cad-cad waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Joe Biden, Elizabeth Warren, Bernie Sanders, iyo Pete Buttigieg.

Mr Obama ayaanan intii uu ka hadlayay munaasabadda carrabaabin musharax Khaas ah sidoo kalana ma uusan dhaleeceyn siyaasi gooni ah, taasi bedelkeedana waxa uu isticmaalay erayo uu ku boorinayo dimuqraadiyiinta oo dhan oo ay ka mid ahaayeen: ”fiiro gaar ah u yeelo cod bixiyayaasha” adigoo diiradda saaraya arrimaha la xidhiidha daryeelka caafimaadka iyo soogalootiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top