Connect with us

somalilandtoday.com

Wefti Ka Socda Dawladda Faderaalka Itoobiya Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

focus

Wefti Ka Socda Dawladda Faderaalka Itoobiya Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Wefti ka socda dawladda Faderaalka Itoobiya iyo dawlad deegaanka Soomaalida ee dalkaas, oo ka qayb-geli doona carwo caafimaad oo magaalada Hargeysa maanta ka furmi doonta, ayaa dalka soo gaadhay.

Sida uu Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA u sheegay Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma) oo ah xidhiidhiyaha cudurrada faafa ee xudduudaha iyo fayo-dhawka guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

Weftigan ka socda dalka Itoobiya oo ka soo kicitimay magaalada Jig-jiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxana magaalo xudeedka Togwajaale ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland.

Maalinta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa inuu caasimadda Hargeysa ka furmo carwo ku saabsan arrimaha caafimaadka, taas oo ay qabanayso Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, oo ay ka soo qayb-geli doonaan bahda caafimaadka Somaliland iyo kuwa caalami ahiba.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top