Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Oo Xidhay Masuul Sare Oo Ka Tirsan Kooxda Daacish

focus

Somaliland Oo Xidhay Masuul Sare Oo Ka Tirsan Kooxda Daacish

(SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa sannadkii 2018kii waxay xabsiga dhigtay Cabdillaahi Maxamuud Yuusuf oo loo yaqaanno (Abu Hatim, Mad Mullah and Majerteni) oo ah ninka u qaabilsan ururka Daacish Diiwaangalinta iyo soo xerogalinta dadka ku soo biiraya ururka ee heer caalami.

Warbixin uu soo saarey horraantii bishan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ninka lagu xidhay Somaliland uu u safray 12 dal oo Afrika iyo Bariga Dhexe ah, kuwaasi oo ay ku jiraan dalalka Koonfur Afrika, Sucuudiga, Ciraaq, Kenya, Libya iyo Suudaan.

Macluumaadka ay Somaliland ka heshay ninkan markii ay xidhay waxaa ka mid ah: Qorshaha Fiditaanka Ururka Daacish ee Bariga Afrika (overall strategy of ISIL for expansion in East Africa) – sida lagu sheegay warbixinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Suxufi Khaalid Foodhaadhi

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top