Connect with us

somalilandtoday.com

Safiirka Israa’iil U Fadhiya Maraykanka Oo Fadeexad Iyo Waji-gabax Kala Kulmay Jaamacadda Harvard

focus

Safiirka Israa’iil U Fadhiya Maraykanka Oo Fadeexad Iyo Waji-gabax Kala Kulmay Jaamacadda Harvard

(SLT-New York)-Maalintii arbacadii ee toddobaadkii hore waxaa ka dhacday Hoolka Kuliyada qaynuunka ee jaamacada Harvard ee dalka Maraykanka arrin soo jiidatay warbaahinta caalamka, ka dib markii 100 arday ay ka dareereen hoolka markii uu soo galay qunsulka Israa’iil u fadhiya New York, kaasi oo khudbad u jeedin lahaa ardayda.

Qunsulkan oo Lagu magacaabo Dani Dayan, markii uu bilaabay khudbadiisa ayaa 100 arday oo kuliyada qanuunka dhigtaa waxay ka dareereen hoolka iyagoo la soo baxay hal-ku-dhigyo ay ku qornaayeen ” Degaamada Yuhuud ka dhisteen Dhulka Falastiin waa dambi dagaal”. Ardaydan oo aamusan ayaa dhabarka u jeediyay qunsulka ka dibna hoolkaba iskaaga baxay

Khudbada uu qunsulku ka jeedin lahaa hoolka Jaamacadda ayaa la xidhiidhay sharcinimada degaamada Yuhuudu ka dhisteen dhulka Falastiniyiinta, hase yeeshee wuxuu khudbad u jeediyay kuraas madhan, wuxuuna ka kulmay yax yax iyo wajigabax.

Muuqaal laga duubay dhacdadaasi oo lagu baahiyay baraha bulshadda ayaa dadku aad u soo dhaweeyeen iyagoo geesiyaal ku tilmaamay ardaydii ku mudaharaaday qunsulka iyo degaamaynta Yuhuudu ay ka wadaan dhulka falastiyiinta.

Qunsulka Israa’iil ee New York Dani Dayan wuxuu hore u hoggaaminayay koox yuhuud ah oo dhaqdhaqaaqda xuquuqda yuhuuda la dajiyay degaamada Falastiyiinta.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top