Connect with us

somalilandtoday.com

Roger Stone Oo Lagu Helay Dambiyadii Lagu Eedeeyey

focus

Roger Stone Oo Lagu Helay Dambiyadii Lagu Eedeeyey

(SLT-Washington)-Roger Stone oo saaxib iyo xulufo muddo fog la ah madaxweyne Donald Trump ayaa lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyey ee uu hortaagnaa maxkamadda federalka Mareykanka ee Washington DC.

Stone ayaa lagu soo oogay toddoba xisaab dacweed oo ay ku jiraan inuu sharci-dejiyayaasha Mareykanka been uga sheegay xidhiidhka WikiLeaks, uu faro geliyey markhaati furayaal, islamarkaana is hortaagay baadhitaanka guddiga sirdoonka ee Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Maxkamadeyntiisa ayaa iftiimisay sida xubnaha guddigii ololaha madaxweyne Donald Trump ay uga go’neyd inay helaan akhbaaro la xidhiidha emailo dhaawacayey Hilary Clinton oo la jabsaday kuwaas oo uu baahinayey website-ka sirta faafiya ee WikiLeaks.

Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in Stone uu Congress-ka Mareykanka uga been sheegay wada-sheekeysi ku saabsan WikiLeaks oo uu la yeeshay Randy Credico oo ka hadla radio ku yaalla New York iyo Jerome Corsi oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu cabsi geliyo Credico uguna hanjabay inuu ka qaadayo eygiisa.

Stone ayaa beeniyey eedeymahan, wuxuuna ku qeexay kuwa ay siyaasad ka dambeyso.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top