Connect with us

somalilandtoday.com

Israa’iil Oo Duqayn Xooggan Ka Geysatay Magaalada Gaza

focus

Israa’iil Oo Duqayn Xooggan Ka Geysatay Magaalada Gaza

Milatariga Israel ayaa sheegay in duqeyn diyaaradeed oo hor leh ay ka geysteen magaalada Gaza laba maalmood kadib markii lagu dhawaaqay xabad Joojin labada Dhinac.

Taliska milatariga ayaa sheegay in ayna duqeyn bartilmaameedyada ururka Islaamic Jihaad, balse ay beegsadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen garabka hubeysan ee Xamaas.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka garabka xamaas ee ku aadan Duqeyntan.

Warbaahinta gudaha ayaa tabisay in laba ruux ay ku dhinteen oo mid ka mid ah uu ahaa nin 40 jir ah walow wararka ay isoo Tarayaan.

Xaalada magaalada Gaza ayaa cakirneyd maalmihii la soo dhaafay tan iyo markii Israel duqeyn ay ku dishay Bahaa Abu al-Ata oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee ururka Islaamic Jihaad.

Duqeymaha Israel ay ka geysatay magaalada Gaza maalmihii ee la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay 32 ruux oo rayid Ahaa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top