Connect with us

somalilandtoday.com

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobey Oo Kordhiyay Mudada Cunaqabateynta Hubka Ee Saaran Soomaaliya

focus

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobey Oo Kordhiyay Mudada Cunaqabateynta Hubka Ee Saaran Soomaaliya

(SLT- Belgium)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kordhiyay mudada Cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya, kadib markii ay kulan ku yeesheen Magaalada New Your ee dalka Mareykanka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dood dheer, kadib kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya muddo sannad ah, waxaana arrintaas ay aheyd mid cod loo qaaday.

Safiirka dalka Belgium Marc Pecsteen de Buytswerve oo ah Guddoomiyaha Guddiga Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa 25-ka Bisha Octoober Golaha siiyay warbixin guud, waxaana isla kulanka lagaga dooday qaraar ay soo gudbisay dowladda UK oo ah qalin-hayaha Soomaaliya ee Golaha Ammaanka.

Dowladaha Ruushka, Shiinaha iyo dalka Equatorial Guinea ayaa ka aamusay Qararka lagu kordhinayay cunaqabateynta hubka Soomaaliy, iyagoona ku eedeeyay inay cunaqabateynta ku jiraan waxyaabo xadgudub ku ah xuquuqda.

Bishii la soo dhaafay ayaa Kulankii Golaha Ammaanka waxaa si kulul loogu cambaareeyay dowladda Federaalka sida aanay ula shaqeyn Golaha Khubarada Qaramada Midoobey ee UN Monitoring Group.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top