Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Donald Trump Oo U Hanjabay Haweenay U Dhalatay Mareykanka

focus

Madaxweyne Donald Trump Oo U Hanjabay Haweenay U Dhalatay Mareykanka

(SLT-Washington)-Safiir hore oo Mareykan ah, qeybna ka ahayd qorshaha xil ka qaadista Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegtay inay dareentay in uu u hanjabay Madaxweynaha, xilli uu taleefonka kula hadlayay dhiggiisa dalka Ukraine.

Haweeneydan oo hore usoo nooqtay safiirkii Mareykanka ee dalka Ukraine, laguna magacaabo Marie Yovanovitch ayaa kulan ay albaaba u xidhan yihiin oo ay la yeesheen xubnaha aqalka Kongreska, waxay ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay hadalka Madaxweyne Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhiggiisa dalka Ukraine u yidhi: “Hagaag, [Ms Yovanovitch] waxay mari doontaa wadadii oo kale.”. Arrintaas ayaa warbaahinta qaar ee Mareykanka ay u fasireen in uu doonayay in uu shaqada ka ceydhiyo.

Xisbiga dimuqraadiga ee dalka Mareykanka ayaa baahiyay qeybtii ugu horeysay ee codka Trump oo qoraal laga dhigay.

Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu cadaadis saaro dalka Ukraine, si ay baadhitaan ugu sameeyaan eedeymo musuqmaasuq oo la sheegay in uu ku kacay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden iyo wiil uu dhalay, kuwaas oo usoo shaqeeyay shirkadda Gaaska ee Ukraine.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top