Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Shaqo-gelinta Oo La Kulantay Wefti Ka Socda Sweden

focus

Wasiirka Shaqo-gelinta Oo La Kulantay Wefti Ka Socda Sweden

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi, ayaa xafiiskeeda kulan kula yeelatay madaxa iskaashiga iyo horumarka ee safaarada Sweden ee dalka kiiniya Ms. Amra Turcinhodzic.

Waxana kulankaas Wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradaasi C/rashiid Ibraahin Sheekh C/raxmaan.

Wasiirka wasaaradda Shqogalinta Marwo Hinda Jaamac Xirsi oo kulaankaas ka dib u warrantay warbaahinta ayaa sheegtay intii uu kulankaasi socday in lagaga wada hadlay xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo waddanka Sweden gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee uu Sweden ka wado Somaliland iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Wasiir Hinda Gaani waxay intaas ku dartay in masuuliyiinta xafiiska iskaashiga iyo horumarinta safaaradda Sweden ee dalka Kiiniya ay qiimayn ku samaynayeen mashaariicdii kala duwanayd ee ay fulinayeen hay’adaha caalamiga ah ee ay soo mariyeen, iyadoo sheegtay in masuuliyiintaasi ay bogaadiyeen horumarka balladhan ee ay Somaliland ku tallaabsatay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top