Connect with us

somalilandtoday.com

Turkiga Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay In La Caawiyo Soomaaliya.

focus

Turkiga Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay In La Caawiyo Soomaaliya.

(SLT-Ankara)-Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ugu baaqay Ummaddaha Islaamka in ay ka qayb qaataan u gargaaridda Shacabka Soomaaliya ee tabaaleysan, waxa aanu sheegay inay tahay mas’uuliyad saaran dhammaan dalalka Caalamka oo dhan.

Warkaan ayuu ka sheegay kulanka Wasiirada kooxda xidhiidhka oo ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka ee arrimaha Soomaaliya oo lagu qabtay caasimadda dowladda Qatar ee Doha.

Wasiir Mevlüt Çavuşoğlu ayaa beesha caalamka ugu baaqay in aan laga aamusin dhibaatadda shacabka Soomaaliya heysata.

“Khilaafka dhaxdeena ah waa in aan meel aan iska dhignaa, waanna in aan mideeynaa mowqifkeyna si aan ugu shaqeyno nabad ku soo dabaalida iyo badhaadhaha Soomaaliya, sidoo kale waa in aan xoojinaa xasiloonidda siyaasadda, amniga, dhaqaalaha dalka Soomaaliya”.

Waxaa uu intaa ku daray in Dawladda Turkiga ay Soomaaliya ka caawiyeen dhanka bini’aadanimadda iyo Horumarinta oo ay ku baxday Lacag gaadheysa hal bilyan oo dollar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top