Connect with us

somalilandtoday.com

Saddex Qof Oo Lagu Dilay Weerar Lagu Qaaday Safaaradda IRAN Ee Karbala

focus

Saddex Qof Oo Lagu Dilay Weerar Lagu Qaaday Safaaradda IRAN Ee Karbala

(SLT- Karbala)-Ugu yaraan saddex qof oo dibadbaxayaal ah ayaa ku dhintay kadib markii weerar xooggan ay ku qaadeen qunsuliyada Iiraan ay ku leedahay magaalada Karbala, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska.

Dibadbaxayaasha ayaa ka gudbay afaafka hore ee laga galo dhismaha Qunsuliyada galinkii danbe ee shalay iyaga oo doonayay inay gudaha u galaan dhismaha Safaaradda.

Waxay ku qeylinayeen ma dooneyno Iiraan waa inaad nooga baxdaan dalkayaga oo ku eedeeyay in Iiraan ay faragalin ku heyso siyaasadda Ciraaq.

Booliska ilaalada ka ahaa goobta ayaa isku dayay in rasaas ay ku kala ceydhiyaan dibadbaxayaasha inkastoo ay adkaatay ka hor inta aan la toogan saddexda qof.

Agaasimaha hey’ada u dooda xuquuqda aadahana ee dalka Ciraaq Mr Mustafa Saadoon ayaa xaqiijiyay Isniinta maanta ah in saddex qof habeenimadii xalay ay ciiidanka toogteen.

Mr Mustafa ayaa intaa raaciyay in xogtaan uu ka soo xigtay laamaha caafimaadka ee magaalada Karbala.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top