Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Ay Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalo Uu Turkiga Maamulo

focus

Qarax Ay Dad Badan Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalo Uu Turkiga Maamulo

(SLT- Tal Abyad)-Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu dilay qarax weyn oo gilgilay magaalada Tal Abyad, ee ku taal waqooyiga Suuriya ee ay gacanta ku hayaan ciidammada Turkiga, mas’uuiyiinta Turkiga ayaa sidaas sheegay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee waddanka Turkiga ayaa waxa ay sheegtay in ugu 20 qof oo kale ay qaraxaasi ku dhaawacmeen.

Ciidammada Turkiga iyo fallaagada ay badhitaaraan ayaa bishii la soo dhaafay waxa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Tal Abyad iyo magaalooyin kale oo ku yaalla xadka kuwaas oo ay ka saareen ciidammada Kurdiyiinta, kaddib markii ciidammada Mareykanka oo ilaalinayay Kurdiyiinta ay meesha iskaga baxeen.

Dagaalyahannada gacansaarka la leh Turkiga iyo dad rayid ah ayaa ku jiray dadka ku dhintay weerrarkii Sabtida, sida ay sheegayso hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay UK.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top