Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

focus

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia oo uu hoggaaminayo wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Mudane Cumar Faaruuq Warfaa, kuna wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, masuuliyiin ka socda laamaha amaanka iyo saraakiil kale.

Weftigan oo ujeeddada safarkoodu ahaa inay qaranka Somaliland soo gaadhsiiyaan tacsida taliyihii ciidamada Booliska Somaliland, sarreeye Gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka timid madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

Kulankan oo ay maaxweyne ku xigeenka ku wehelinayeen wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Guddoomiyaha gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka maroodi-jeex Khadar Baabuur Cumar.

Wasiiru-Dawladaha Madaxtooyada ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cumar Faaruuq Warfaa iyo Weftiga uu hoggaaminayey waxay Maanta kulan la yeesheen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa kulankaa ka dib waxay Madaxweyne ku-xigeenka si wada jir ah u qabteen Shir-saxaafadeed.

Wasiiru-Dawladaha Madaxtooyada ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cumar Faaruuq Warfaa oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu nahay Wefti ka socda Dawlad deegaanka Soomaalida, ujeeddada socdaalkayaguna waxa weeyaan inaanu ka Tacsiyadaynayo Taliyihii Ciidammada Booliska Somaliland ee Geeriyooday, Annaga oo Tacsidaa ka sidna Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar iyo dhammaan Shacabka ku dhaqan deegaanka Soomaalida. Waxaanu halkan u nimid inaanu Dawladda Somaliland u Tacsiyayno oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne ku-xigeenka..”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top