Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Donald Trump Oo Ka Guuraya Guriga Uu Ka Degenaa Magaalada New York Iyo Sababta

focus

Madaxweyne Donald Trump Oo Ka Guuraya Guriga Uu Ka Degenaa Magaalada New York Iyo Sababta

(SLT-New York)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka guurayo gurigii uu degenaa ee magaalada New York una guurayo guri kale uu ku leeyahay gobolka Florida.

Trump ayaa ku macneeyay sababaha uu uga guurayo inay tahay in siyaasiyiinta ku sugan New York ay si aan wanaagsanayn ula dhaqmeen.

“Nasiib darro, inkasta oo sannad kasta aan maalaayin doollar oo canshuur aan ku bixiyo magaalada, waxaa si xun ii la dhaqmay siyaasiyiinta magaalada iyo gobolka” ayuu yidhi madaxweyne Trump.

Guddoomiyaha New York Andrew Cuomo iyo duqa magaaladaas Bill de Blasio ayaa waxa ay si xoog leh uga soo horjeedaan siyaasada Madaxweyne Trump waxayna ka tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga.

Madaxweyne Trump ayaa ku dhashay New York balse wuxuu marar badan waqtigiisa ku qaatay gurigiisa kale ee Mar-a-Lago estate ee ku yaalla Palm Beach ee gobolka Florida.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top