Connect with us

somalilandtoday.com

Sacuudiga Oo Sii Daayay Kaluumeysato U Dhashay Dalka IRAN

focus

Sacuudiga Oo Sii Daayay Kaluumeysato U Dhashay Dalka IRAN

(SLT-Riyadh)-Sacuudiga ayaa sii daayay 19 kaluumeysato oo u dhashay Iiraan kadib markii wadatashi diblumaasiyadeed oo u dhaxeeya labada wadan ay xaqiijiyeen sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan Iiraan.

Madaxa wasaarada arimaha dibada Iiraan u qaabilsan gobolka koonfureed ee Bushehr, mr Cali Askar Carablou ayaa sheegay in 11 ka mid ah badmaaxiintan la qabtay 31-dii bishii December ee sanadkii 2018-ka kadib markii dooni ay wateen ay kaluumeysi ka sameysay biyaha Sacuudiga.

Wakaalada wararka Iiraan ee Tasnam ayaa dhanka kale xaqiijisay in sideed kale oo ka mid ah badmaaxiintan loo xidhay sababo la mid ah Arintaan 31-dii bishii Janaayo.

Mr Cali ayaa dhanka kale xaqiijiyay in xaalada caafimaad ee raggaan ay wanaagsan tahay ayna ka soo dageen xeebta Rostami ee ku taal magaalada Tangestan ee gobolka Bushehr.

Sii deynta badmaaxiinta reer Iiraan ayaa imaaneysa iyadoo khilaafka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Iiraan oo uu marayo meel xasaasi ah inkastoo labada dhinac ay todobaadyadii la soo dhaafay ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay Xaliyaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top