Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidanka Amniga Itoobiya Oo Boqolaal Qof Ku Xidhay Magaalada Addis Ababa

focus

Ciidanka Amniga Itoobiya Oo Boqolaal Qof Ku Xidhay Magaalada Addis Ababa

(SLT-Addis Ababa)-Inkabadan 400 oo qof ayaa lagu xidhay dalka Itoobiya kuwaasi oo lagu hayo baadhitaano la xidhiidha kicinta rabshado ku saleysan dhanka diimaha iyo qowmiyadaha kaasi oo ay ku dhinteen 78 qof todobaadkii la soo dhaafay.

Afrintaan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay khamiista shalay ah afhayeenka ra’isul wasaaraha Itoobiya mr Abiye Axmed.

Dibadbaxyadan ayaa ka dhacay 23-dii bishan November magaalada caasimada ah ee Adiss Ababa iyo gobolka Oromia.

Siyaasiyiinta caanka ah ee ka soo jeeda gobolka Oromia ayaa ku eedeeyay in ciidanka amniga ay abaabulayaan weeraro ka dhan ah isaga, taasi oo keentay kacdoon ka dhan ah Dowlada.

Ra’isul wasaare Abiye Axmed ayaa wacad ku maray in cadaalada ay la tiigsan doonaan kuwii ka danbeeyay rabshadaha ay todobaadkii hore dadka ku dhinteen.

Afhayeenka xafiiska ra’isul wasaaraha Itoobiya Mr Billene Seyoum ayaa dhanka kale tilmaamay in ay sii wadi doonaan xadhiga shaqsiyaadka lagu tuhmayo rabshadihii todobaadkii hore.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top