Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamadda Sare Ee Nigeria Oo Ansixisay Dib U Doorashadii Madaxweyne Buhaari

focus

Maxkamadda Sare Ee Nigeria Oo Ansixisay Dib U Doorashadii Madaxweyne Buhaari

(SLT- Nigeria)-Maxkamada sare ee dalka Nigeria ayaa daaqada ka saartay dacwada hoggaamiyaha ugu weyn Mucaaradka Mr Atiku Abubakar ee ka dhanka aheyd guusha doorashadii madaxtinimo ee bishii Febraayo uu ka gaadhay madaxweyne Maxamaduu Buhaari.

Waxaan baadhnay dhammaan dacwadaha noola soo gudbiyay waxaana ku raacsanahay maxkamadda Racfaanka in ayna jirin eedo la xidhiidha in doorashada ay u dhacday qaab musuq maasuq ah, sidaasi waxaa sheegay madaxa cadaalada Tanko Maxamed.

Go’aanka ayaa waxaa gaadhay lix ka mid ah garsoorayaasha joogtada ah ee Maxkamada Sare.
Mr Tanko ayaa ka gaabsaday in uu caddeeyo sababta rasmiga ah ee xukunkaan uu u qaatay, balse waxuu sheegay in dib ay ka shaacin Doonaan.

Xukunkaan ayaa soo afjaraya dacwad maxkamadeed oo sideedii bilood ee la soo dhaafay hadheysay doorashada madaxtinimo oo markii labaad bishii Febraayo dib loogu doortay madaxweyne Maxamaduu Buhaari.

Hoggaamiyaha Nigeria oo 76 jir ah ayaa codadkii la dhiibtay helay boqolkiiba 53 sida ay xaqiijiyeen guddiga Doorashada.

Hogaamiyaha Mucaaradka Mr Abubakar matalayay xisbiga mucaaradka ah ee (PDP) ayaa la yimid 41 boqolkiiba balse waxuu gaashaanka u daruuray Natiijadan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top