Connect with us

somalilandtoday.com

Ruushka Oo Maraykanka Kala Wareegaya Sacuudiga Iyo Imaaraadka

advertise

Ruushka Oo Maraykanka Kala Wareegaya Sacuudiga Iyo Imaaraadka

(SLT-Riyadh)-Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa bishan dhexdeedii booqasho rasmiya ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, si uu dar-dar gelin cusub ugu sameeyo xidhiidhka labada dhinac.

Putin ayaa waxa si weyn garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay oo qaabilay Amiirka Abu Dubia, ahna dhaxal-sugaha, Mohammed bin Zayed, iyadoona loo sii galbiyay dhanka madaxtooyada dalkaasi.

Bin Zayed iyo Putin ayaa wada-hadalo dheer waxay ka yeeshen sidii ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo weliba maalgashiga.

Booqashadaasi uu Putin ku tagay dalkaasi ayaa noqoneysa booqashadiisi labaad ee tan iyo 2007 uu ku tagay dalkaasi, iyagoona kulamo badan wada yeeshay, isla markaana hore ugu wadaxidhiidhi jirey khadka taleefanka.

Waxayna booqashadaasi kaga gadisantahay kuwii hore in Madaxweyne Putin uu socdaal Khaliijka ah uu ku soo maray dalka Sacuudiga, isagoona xiligaasi dowladda Sacuudiga la soo saxeexday heshiisyo muhiim ah oo dhanka iskaashiga ah.

Madaxweyne Putin ayaa u muuqda mid aad u daneynaya dalalka Khaliijka gaar ahaan wadamada Imaaraadka iyo Sacuudiga, oo iyagu waqti xaadirkan saaxiib dhow la ah hoggaamiyaha Mareykanka Donald Trump.

Sida ay sheegayaan khabiiro daraaseeya arrimaha siyaasada, dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa xaqiiqsan in saaxiibtinimada Trump ay wax badan seejisay, isla markaana la gaadhay waqtigii ay dhinaca saari lahaayeen hoggaamiyaha dalka Ruushka.

Wadamadaasi ayaa sidoo kale waxa la sheegaya in cabsi baahsan ka qabaan wada-hadalka uu Mareykanku la furayo dowladda Iiraan, oo keeni karta isku soo dhowaansho Mareykanka iyo Iiraan ah, midaasi oo sababi karta in hoos u dhac weyn ku yimaado xidhiidhkii dowladahaasi Khaliijka iyo Mareykanka.

Booqashooyinka Putin ee Khaliijka ayaa khabiirada qaar ku micneeyen mid dhabar jab ku ah xidhiidhka Trump iyo dowladda Mareykanka ee sida dhow ula howl-gala dowladahaasi, isla markaana shaki badan abuuri karta.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top