Connect with us

somalilandtoday.com

Deg-deg: Raysal Wasaaraha Lubnaan Oo Is-casilay

focus

Deg-deg: Raysal Wasaaraha Lubnaan Oo Is-casilay

(SLT-Lubnaan)-Raysal Wasaaraha Dalka Lubnaan, Sacad Xariiri ayaa ku dhawaaqay inuu Madaxweynaha dalkaasi Michel Aoun uu u gudbiyey Is-casilaadiisa, kadib dibadbaxyo balaadhan oo dalkaasi ka socday todobaadyadii u dambeeyey.

Dhawaaqan maanta oo Salaasa ah ka soo yeedhay Raysal Wasaaraha dalka Lubnaan ayaa imanaya 13 maalmood oo dibadbaxyo balaadhan oo lagaga soo horjeedo xukuumadiisu ay ka dhacayaan dalka Lubnaan.

Waxaana dadweynaha dalkaasi ay si weyn uga dibadbaxayaan Musuqmaasuqa masuuliyiinta dawladda oo xadhkaha goostay, Adeegyada dadweynaha oo hooseeya iyo dhaqaalaha dalkaasi oo maamul xumo balaadhani ay ragaadisay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top