Connect with us

somalilandtoday.com

Ruushka Oo 40 Sanno Kaddib Dib U Soo Celinaya Iskaashigii Difaaca Soomaaliya

focus

Ruushka Oo 40 Sanno Kaddib Dib U Soo Celinaya Iskaashigii Difaaca Soomaaliya

(SLT-Moscow)-Intii lagu guda jiray Shirkii Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ee dhowaan ka dhacay magaalada Sochi ayaa waxaa kulan gaar uu dhex maray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) iyo Wasiir kuxigeenka Difaaca Ruushka Col. Alexander Fomin.

Warbaahinta Ruushka ayaa warbixin ka qortay Kulankan dhex maray labada dhinac, waxaana kulankan uu ahaa kii u horreeyay laba geesood ah oo dhexmara Waaxaha difaaca Soomaaliya iyo Ruushka, kadib burburka Midowgii Soviet.

Inkastoo kulankan aanay wax war ah ka soo saarin dhanka dowladda Soomaaliya, hadana wuxuu ahaa kulan dowladda ahmiyad gaar ah ahaa, marka loo eego arrimaha Iskaashiga Difaaca iyo Ciidamada, maadaama Waftiga uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galay shirkii Sochi uu qeyb ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed ayaa waxaa kulanka ku wehliyay La Taliyaha Siyaasada arrimaha dibadda Balal Cusmaan iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ruushka.

Wasiir Amar Dambe ayaa Wasiir kuxigeenka Difaaca Ruushka la wadaagay xaalada siyaasadeed ee millatari ee soo ifbaxaysa Soomaaliya iyo dowladaha dariska la ah ee Geeska Afrika.

Dhanka kale, Alexander Fomin ayaa ku wargaliyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya arrimaha ku saabsan suurtagalnimada dib u soo celinta iskaashiga difaaca Ruushka iyo Soomaaliya, iyadoo la tixgalinayo xayiraadaha saaran Soomaaliya

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhankiisa xaqiijiyay inuu danaynayo horumarinta iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal.

Midowgii Soviet ayaa saameyn weyn kulahaa dhismihii Ciidamadii Soomaaliya, inkastoo xidhiidhkii Soomaaliya iyo Midowgii Soviet uu xumaaday dagaalkii 1977 ee Itoobiya iyo Soomaaliya, kaddib ay la safteen Itoobiya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top