Connect with us

somalilandtoday.com

Cabdirashiid Riyo-raac Oo Isku Difaacay Xilkii Uu Ka Hayay Xisbiga WADDANI

focus

Cabdirashiid Riyo-raac Oo Isku Difaacay Xilkii Uu Ka Hayay Xisbiga WADDANI

(SLT-Hargeysa)-Eng Cabdirashiid Riyo-raac ayaa markii horaysay muujiyay ishaaro uu isku difaacayo oo ah in uu Kulmiye ka hor ahaa xisbiga Waddani ee sida weyn uga soo horjeeda ka mid noqoshadiisa Komishanka doorashooyinka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Cabdirashiid Riyo-raac ku daray guddida doorashooyinka ee cusub laakiin, xisbiyada UCID iyo Waddani ayaa si weyn uga hor yimid iyaga oo ku eedeeyay in uu xisbiga Kulmiye ka tirsan yahay.

Xisbiga Waddani ayaa shalay soo bandhigay buug muujinaya in Cabdirashiid Riyo-raac ka mid yahay Golaha Dhexe ee Kulmiye sidoo kalena waxa maanta lagu faafiyay baraha bulshada sawir muujinaya in isaga oo qayb ka ah shirkii golaha dhexe ee bilawgii Sanadkan xisbiga Kulmiye ku qabsaday Boorama.

Arrimahaasi awgeed ayuu Cabdirashiid Riyo-raac bidhaamiyay in uu horeba Waddani u ahaa. waxa uu boggiisa Facebook ku share-gareeyay war ku saabsan xilli Cabdiraxmaan Cirro guddoomiyaha Waddani xil uga magacaabay xisbiga Waddani, sidoo kalena waxa uu boggiisa ku Share-gareeyay qof taageersan oo muujiyay in uu horeba Waddani u ahaa.

Tani waxay ka dhigan tahay in uu booskiisa ku difaacayo in uu Kulmiye ka hor ahaa Waddani mana cadda in ay mucaaradka u cuntami doonto.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top