Connect with us

somalilandtoday.com

Turkiga Oo Ka Hor-yimid Qorshe Lagu Sugayo Amniga Waqooyiga Suuriya

focus

Turkiga Oo Ka Hor-yimid Qorshe Lagu Sugayo Amniga Waqooyiga Suuriya

(SLT-Ankara)-Wasiirka Arimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa diiday qorshaha dowlada Jarmalka ee ku aadaan in ciidamo caalami ah la geeyo waqooyiga Suuriya si loo abuuro jawi nabdoon oo ka caagan colaada oo qaxootiga u sahlaya in ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Xukuumada Ankara ayaa tilmaantay in ayna ku kalsooneyn qorshaha dowlada Berlin oo dhaleeceysay duulaanka millatariga Turkiga ay ku qaadeen Suuriya.

Mr Cavusoglu oo sabtidii shalay kulan kula qaatay magaalada Ankara dhiggiisa Jarmalka Cavus Heiko Maas ayaa sheegay in Turkiga uu lumiyay kalsoonida uu ku qabay Jarmalka kadib falcelintii ay ka bixiyeen duulaankooda Suuriya.

Wasiirka difaaca Jarmalka Annegret Kramp-Karrenbauer ayaa soo jeedisay qorshe ciidaamo caalami ah oo nabad ilaaliyaan ah lagu geynayo xadka deegaanada waqooyi ee xadka Suuriya kala leedahay Turkiga si loo helo aag ka caagan Colaada.

Balse Cavusoglu ayaa sheegay in qorshahaan ay u arkaan mid aan xaqiiqda ka tarjumeyn ayna ka soo horjeedaan soo jeedinta Jarmalka.

Ugu danbeyn wuxuu sheegay in arintaan kaliya ayna khuseyn Turkiga balse ay u taallo dowlada Suuriya iyo Ruushka oo taageera xukuumada Bashar Al-Assad.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top