Connect with us

somalilandtoday.com

“Waanu Ka Tanaasuleynaa Magaca Ogaden Haddii Maslaxad Loo Arko…” Guddoomiyaha Ururka ONLF

focus

“Waanu Ka Tanaasuleynaa Magaca Ogaden Haddii Maslaxad Loo Arko…” Guddoomiyaha Ururka ONLF

(SLT-Jigjiga)-Guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar Cismaan ayaa sheegay in halganka ay ku jiraan aanu aheyn mid qabiil kaliya u daneynaya ama u adeegaya, isaga oo intaa ku daray in magaca Ogaden ka tanaasulayaan haddii maslaxad loo arko.

Isaga oo khudbad u jeedinayay Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayuu ka dalbaday inay keenaan magac kasta oo ay u arkaan in uu ka wanaagsan yahay kan hadda ee ”ONLF”
”Annaga dan gaar ah iyo ujeedo gaar ah oo aan ka leenahay magacan ONLF ama ”Ogaden” ma jiro, dagaalka aan ku jirno waa in la helo xuquuqda ay Umadda deegaanka leedahay ee qabiil gaar ah iyo qolo gaar ah oo aan u adeegeyno ma jirto, Odayaashii ayaad tihiin adinka ayaa leydinka rabaa in aad keentaan magac kan dhaama haddii uu jiro oo aad heysaan, sidaa in aad noo fahantaan ayaan rabnaa” ayuu yidhi Maxamed Cumar Cismaan.

Magaca ONLF ayeey dad badani u arkaan in uu yahay mid u taagan qabiil gaar ah inkastoo mas’uuliyiinta sar sare ee Ururka sheegeen in uu yahay mid u taaggan xoreynta iyo inay xuquuqdooda hellaan dadka ku dhaqan deegaanka Ismaamulka Soomaalida.

Ururkan ayaa hore heshiis xabad joojin ah ula saxeexday dowladda Itoobiya oo muddo dheer ay dagaal kula jireen iyaga sheegay in halgankooda u badalay mid nabadeed.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top