Connect with us

somalilandtoday.com

Qaramadda Midoobay Oo Loogu Baaqay Inay Adkeyso Cunaqabateynta Hubka Ee Soomaaliya

focus

Qaramadda Midoobay Oo Loogu Baaqay Inay Adkeyso Cunaqabateynta Hubka Ee Soomaaliya

(SLT-Washington)-Guddiga golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee weli saaran Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in dowladdu ay ku fashilantay inay kala shaqeeyso howlaha la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay ku baaqeen in la xoojiyo cunaqabateynta saaran Soomaaliya, islamarkaana lagu sameeyo dib u habeyn, si looga hortago hubka sharci darrada ah ee gacanta u gala kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Warbixinta guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in cunaqabateynta dhuxusha Soomaaliya qeyb ahaan guul laga gaadhay islamarkaana aanu jirin dakhli ay ka hesho Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah xubnaha guddiga ee golaha ammaanka warbixinta siiyey hadalladooda waxaa ka mid ahaa:

1-Jonathan Guy Allen (United Kingdom): “cunaqabateynta waxa loo saaray Soomaaliya waxaa ay ahayd in lagu caawiyo ee ma ahayn in wax loogu dhimo, guddiga khubarrada ahna waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo la xiriirta ka hortagga argagixisada”, waxaa kale oo uu sheegay in dowladdiisa UK ay Soomaaliya ka caawiso amaanka, waxaana uu ku baaqay in cunaqabateynta saaran Soomaaliya qeyb ahaan saarnaato, waxaase uu arrin aan la qabali karin ku tilmaamay wada shaqeyn la’aanta Guddiga ka heysata dowladda Soomaaliya.

2-Christoph Heusgen (Germany) waxaa ay dowladda Federaalka ah si xoog leh uga codsatay in ay la shaqeyso Guddiga,waxaa ay soo dhaweysay dib u eegista ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya, inkasta oo ay soo jeedisay in iyada oo loo eegayo bedqabka degaanka aan la qaadin cunaqabateynta dhinaca dhuxusha Soomaaliya.

3-Mr. Barkin (United States) waxaa uu Guddiga ka hor sheegay in dhamaan weerarradii ay fulinayaan Al-shabaab la joojiyo, waxaana uu taageeray in cunaqabateynta sii saarnaato Soomaaliya, waxaa kale oo uu yiri ” waa muhiim in la hor istaago ilaha dhaqaalaha iyo Hubka ee AL-shabaab iyo Daacish”,waxaana uu dowladda dhexe ugu baaqay la shaqeynta Guddiga,waxaa kale oo uu yidhi “Guddigu waa Indhaha iyo Dhegaha Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ee ay wax uga maqlaan arrimaha Soomaaliya”.

Antoine Michon (France), waxaa uu ku baaqay in cunaqabateynta hubja halkeeda sii ahaato, sababtana waxaa uu ku sheegay weerarrada AL-shabaab ee sii xoogeysanaya, waxaa uu yidhi “nasiib darro AL-shabaab waxaa ay lacag ka helaan ka ganacsiga Hubka, Tubaakada,iyo ilaha kale ee ay heli karaan, lamana aqbali karo in shuruudo cusub Goluhu dejiyo si loola shaqeeyo Guddiga”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top