Connect with us

somalilandtoday.com

Jawar Mohammed Oo Ku Eedeeyay Abiy Ahmed Kaligii Talisnimo

focus

Jawar Mohammed Oo Ku Eedeeyay Abiy Ahmed Kaligii Talisnimo

(SLT-Addis Ababa)-Jawar Mohammed oo ah siyaasi caan ka ah dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed inuu yahay kaligii taliye dib ugu celinaya dalka Itoobiya xilliyadii hore.

Siyaasigan ayaa sheegay in uu kula tartami doono doorashada ka dhacaysa dalka Itoobiya sannadka soo socoda Abiy Ahmed.

Jawar oo weriyaasha kula hadlay guriga uu ka degen yahay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay qorsheeyeen inay weerar ku soo qaadaan taasna ay sababtay banaanbaxyo ka dhacay caasimada Addis Ababa iyo gobolka Oromia Arbacadii iyo Khamiistii aynu ka soo gudubnay.

Hase yeeshee ciidamada amniga dalka Itoobiya ayaa beeniyay warkaas, waxayna hay’ada xuquuqda aadanaha sheegtay in ay banaanbaxyada ku dhinteen illaa 16 qof.

Taliyaha Booliska Oromia ayaa sheegay in banaanbaxyada lagaga soo horjeeday ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay ku dhinteen illaa 62 qof oo rayid ah iyo shan boolis ah.

“Abiy waxaa ka muuqda calaamadaha hore ee kaligii taliyanimada waxana uu isku dayayaa inuu dadka cabsi geliyo xitaa kuwa ku dhowdhow ee ka caawiyay inuu talada dalka la wareego, aaminsana fikrado ka duwan kuwiisa.”ayuu yidhi Jawar oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP. “Cabsi gelintu waa bilowga xukun kaligii taliyanimo.”ayuu sii raaciyay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top