Connect with us

somalilandtoday.com

HARGEYSA: Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr Oo La Xidhay

focus

HARGEYSA: Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr Oo La Xidhay

(SLT-Hargeysa)-Ciidammada booliska Somaliland ayaa goor-dhawayd xabsiga u taxaabay Abwaan/Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr.


Xadhiga abwaan Siciid Maxamuud Gahayr waxa xaqiijiyay garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela,

Ma jirto illa hadda cid xaqiijisay sababta loo xidhay Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.


Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn u dhaliilayay hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi gaar ahaan waxa uu si kulul uga hadlayay muranka dhuleed ee u dhexeeya qoyska Madaxweynaha iyo ku dhawaan 600 oo qoys oo ku nool duleedka magaalada Hargeysa, isaga qoraalo ku baahinayay barta uu ku leeyahay Facebook-ga.


Xukuumadda iyo ciidammada amnigu wali kama hadal xadhiga abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top