Connect with us

somalilandtoday.com

Baadhitaankii Lagu Hayay Xidhiidhka Trump Iyo Ruushka Oo Waji Cusub Yeeshay

focus

Baadhitaankii Lagu Hayay Xidhiidhka Trump Iyo Ruushka Oo Waji Cusub Yeeshay

(SLT-Washington)-Waaxda caddaaladda ee dalka Mareykanka ayaa billowday baadhitaan dhinaca dambiga ah oo lagu sameynayo baadhitaankii uu waday wakiilkii hore ee khaaska ahaa Robert Mueller.

Bishii May ayaa la billaabay dib u eegis lagu sameynayay baadhitaankaas ku saabsanaa suurtagalnimada in faragalin lagu sameeyay doorashadii Mareykanka ka dhacday sannadkii 2016-kii.

Hase ahaatee, in baadhitaanka hadda loo baddalo mid dhinaca dambiga ah waxay ka dhigan tahay in loo baahnaan doono markhaatiyaal iyo macluumaad.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan baadhitaankan ku tilmaamay “arrin la siyaasadeeyay oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo isaga”.

Baadhitaanka lagu sameynayay Faragalintii la tuhmay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii Mareykanka ee 2016-kii laguma ogaanin wax dambiyo ah oo muujinaya in xidhiidh uu ka dhaxeeyay madaxweyne Trump iyo Moscow. Laakiin lama caddeynin in madaxweynuhu uu ku xad gudbay caddaaladda iyo in kale.

Warka ku saabsan in qaabka faldambiyeedyada loo baadhayo arrintan ayaa markii ugu horreysay lagu soo daabacay wargeyska New York Times.

Wargeyska ayaa sheegay in wali aysan kala caddeyn dambiyada ay suurtagalka tahay in laga helo baadhitaankaas.

Maxay tahay sababta loo baadhay warbixintii Mueller?
Dib u eegista warbixinta oo la billaabay bishii May ayaa socotay ilaa hadda. Waxaa gacanta ku hayay xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr waxaana howsheeda waday dacwad oogaha guud ee federaalka John Durham.

Mr Durham ayaa loo howlgaliyay inuu go’aan kasoo saaro sharci ahaanshaha xogta laga aruuriyay ol’olihii madaxweyne Trump ee doorashadii dhacday 2016-kii.

Waa nin si weyn loo qaddariyo oo horay u sameeyay baadhitaanno la xiriira wakiillada hay’adda FBI-da iyo dambiyada la maleego.

Wuxuu sidoo kale baaritaanno kusoo sameeyay muuqaallo laga duubay su’aalo weydiinta ay sameeyaan saraakiisha laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan cambaareeyay baadhitaankan
Bishii April, Mr Barr ayaa xubno ka tirsan aqalka wakiillada ee Congress-ka u sheegay inuu aaminsan yahay in “la basaasay” ol’olihii Trump ee doorashadii 2016-kii, wuxuuna intaas ku daray: “Su’aashu waxay ka taagan tahay in si ku talagal ah waddada loogu banneeyay arrintaas iyo inkale. Aniguna ma dhahayo ku talagal looma sameynin sidaas laakiin waa inaan caddeeyo”.

Dadka qaar ayaa Mr Barr ku eedeeyay inuu dib u eegis ku sameeyo baadhitaanka, iyagoo sheegay in uu tallaabadaas qaaday isagoo danaha madaxweynaha ka hormarinaya danaha caddaaladda.

Balse Madaxweyne Trump ayaa sheegay in isagu uusan Mr Barr ku amrin inuu dib u eegista ku sameeyo warbixinta laga soo saaray baaritaanka, Inkastoo uu yiri: “Waxaan aad ugu faraxsanahay tallaabada uu qaaday xeer ilaaliyaheenna, wuxuu sameeyay arrin aad u fiican”.

Maxaynaan ogeyn hadda?
Ilaa hadda, waaxda caddaaladdu ma aysan caddeynin nooca uu yahay dambiga laga baadhayo warbixinta.

Sidoo kale ma cadda sababta baadhitaankan hadda loo billaabay, ama waxa horseeday toona.

Inkastoo ay waaxda caddaaladda qudheeda u xilsaartay Robert Mueller inuu baaritaan ku sameeyo faragalinta lagu sameeyay doorashadii 2016-kii, haddana baaritaankan faldambiyeedka ah wuxuu ka dhiganyahay in waaxdu ay hadda iyada lafteeda sameyneyso baadhitaanka.

Maxay tahay warbixinta Mueller?
Xogta lagu aruuriyay warbixinta Mueller oo ka kooban 448 bog ayaa lagu sheegay inaysan jirin wax dambi ah oo ka muuqda xidhiidhka la sheegay inuu dhex maray ol’olihii Trump iyo xukuumadda Moscow, 2016-kii.

Hase yeeshee, waxaa warbixintaas lagu sharraxay 10 dhacdo oo ku saabsan suurtagalnimada in Mr Trump uu isku dayay faragalinta hannaanka baadhitaanka.

Waxaa kale oo warbixinta lagu qeexay in Ruushka uu faragaliyay habsami u socodkii doorashada Mareykanka ka dhacday 2016-kii.

Faragalintaas waxaa lagu sameeyay dhinaca baraha bulshada iyo sidoo kale in sirdoonka milatariga Ruushka ay jabsadeen kumbuyuutarradii xisbiga Dimuqraaddiga, sida ay warbixinta Mueller sheegtay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top