Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Oo Bogaadisay Dib U Doorashada Raysal Wasaaraha Canada

focus

Somaliland Oo Bogaadisay Dib U Doorashada Raysal Wasaaraha Canada

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa bogaadiyey Ra’iisul-wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo ku guulaystay doorashooyinkii toddobaaadkan ka qabsoomay dalkaas.

Madaxweyne Ku-xigeenka oo ku hadlayey afka Xukuumadda JSL wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitterka.

Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland wuxuu sheegay inuu u hambalyeynayo dib u doorashada Ra’iisul-wasaaraha Canada, oo uu u rajeeyey guul muddo xileedkiisa labaad ee loo doortay.

Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu uga mahadceliyey dawladda Canada, taageerada ay ka geystaan mashaariicda horumarinta Somaliland oo ay Canada ku bixisay 10 Milyan oo doolar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top