Connect with us

somalilandtoday.com

Ruushka Oo Ciidamo Geynaya Xadka Turkiga Iyo Suuriya

focus

Ruushka Oo Ciidamo Geynaya Xadka Turkiga Iyo Suuriya

(SLT-Suuriya)-Ciidamada Ruushka ee la geynayay xadka Suuriya iyo Turkiga ayaa billaabay iney goobihi loogu tala galay la geeyo ay u ruqaansadaan, tallaabbadaasi oo qayb ka ah qodobbada labada dhinac ay ku heshiiyeen si xooggagga kurdiyiinta halkaasi looga saaro.

Guutooyin ka tirsan ciidammada Ruushka ayaa ka gudbaya wabiga Furaat iyaga oo ku sii jeeda magaalada Kobceyn.

Sida uu dhigayo heshiiska ay galeen Ruushka iyo Turkiga, ciidamada Ruushka iyo Suuriya ayaa xoogagga kurdiyiinta ka saaraya xadka Suuriya iyo Turkiga ay wadaagaan.

Ciidamada Turkiga ayaa sii wada gacan ku haynta aagga ay qabsadeen muddadii uu socday dagaalka ay kula jiraan kurdiyiinta, Turkiga oo xoogaggaasi u arko iney yihiin argagixiso.

Qorshaha Turkiga uu aaggaasi ka damacsan yahay ayaa waxaa ka mid ah inuu “aag ammaan ah” ka abuuro xadka uu la wadaago Suuriya kaddibna uu dajiyo qoxooti ka badan Laba milyan oo Suuriya ka soo jeeda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top