Connect with us

somalilandtoday.com

Qarammadda Midoobaay Oo Ka Hadashay Sicir-bararka Somaliland

focus

Qarammadda Midoobaay Oo Ka Hadashay Sicir-bararka Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Qarammadda Midoobaay ayaa ka hadashay Sicir-bararka Somaliland, waxaana ay sheegtay inuu bishii September ee la soo dhaafay uu fadhiyey, inkastoo uu kor u kacay boqolkiiba 12, marka la eego celcelis ahaan halkii uu joogay sicir-bararku shantii sannadood ee la soo dhaafay.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qarammada Midoobay (FAO) ayaa warbixin ay soo saartay Arbacadii ku sheegtay in isku beddelka sarifka lacagaha shilinka Somaliland iyo Doolarka Maraykanku ay qiimihiisu deganaa suuqyada Jamhuuriyadda Somaliland bishii September ee la soo dhaafay oo uu hoos u dhacay Boqolkiiba 8-32%.

Hay’adda FAO waxay intaas ku dartay in qiimaha baddeecadaha waddaniga ah sida Galeyda cad, Masagada cas iyo Hadhuudhka cad uu qiimahoodu xasiloonaa bishii Septemeber ee sannadkan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top