Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Trump Oo Ku Dhawaaqay In Mareykanku Uu Xayiraada Dhaqaale Ka Qaadayo Turkiga

focus

Madaxweyne Trump Oo Ku Dhawaaqay In Mareykanku Uu Xayiraada Dhaqaale Ka Qaadayo Turkiga

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in Turkiga uu u sheegay in uu joojiyay duulaanka uu ku qaaday waqooyiga Suuriya.

Trump ayaa dhanka kale sheegay in Washington ay ka qaadeyso cunaqabateynta ay saartay Ankara oo lagaga Jawaabayay weerarka millatariga ee lagu qaaday maleeshiyada Kurdiyiinta. Cunaqabateynta waan qaadi doonaa ilaa ay dhacayaan waxyaabo aan anagu ku faraxsaneyn, ayuu yidhi Trump oo arbacada shalay ah warfidiyeenada kula hadlayay aqalka Cad.

Bilowgii bishan ayaa Trump wuxuu ku soo rogay cashuur boqolkiiba 50 ah biraha iyo alaabaha kale ee Turkiga u iibgeeyo Mareykanka. Waxaa sidoo kale xayiraad dhaqaale la saaray saddex sarkaal oo ka tirsan xukuumadda Ankara oo ay ka mid yihiin wasiirrada difaaca iyo Tamarta. Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhaleeceyn kala kulmay go’aanka uu ciidankiisa kaga saaray waqooyiga Suuriya, taasi oo lagu tilmaamay khiyaano ka dhan ah maleeshiyada Kurdiyiinta.

Sadex sanno muddo laga joogo ayaa kooxda Kurdida oo taageero ka helaya Millatariga Mareykanka ay dagaal culus kaga saareen magaalada Kobani iyo deegaano kale oo ku yaalla waqooyiga Suuriya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top