Connect with us

somalilandtoday.com

Buug Uu Qoray Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Lagu Gubay Itoobiya

focus

Buug Uu Qoray Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Lagu Gubay Itoobiya

(SLT-Addis Ababa)-Wararka ka imanaya Bariga Itoobiya ayaa sheegaya in dibadbaxayaal cadheysan halkaa ku gubeen Buug uu qoray Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Dadka isku soo baxay ayaa taageero u muujinaya ninka lagu magacaabo Jawar Mohamed oo madax u ah dhalinayarrada lagu magacaabo Qeerro ee rabashadaha dhiggaya.
Hoggaamiyahan ayaa ku eedeeyay dowladda inay ka kaxeysatay ciidammadii ilaalinayay gurigiisa, hase ahaatee waxaa arintaan beeniyay saraakiisha Ammaanka.

Ra’iisaal Wasaare Abiy oo lagu ammaano isbadalada uu dalkaasi ka hirgaaliyay ayaa hadana dhinaca kale waxaa uu la daalaa dhacayaa xal u helidda isku dhacyo u dhaxeeya qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi.

Booliiska Itoobiya ayaa waxaa ay beeniyeen in Jawar lagala noqday ciidamadii ilaalinayay, balse hadalka ka soo yeedhay Mr Jawar ayaa waxa uu jahwaareer ku abuuray dowladda.

Caasimadda Addis Ababa, ayaa taageerayaashiisa waxay balaanqaadeen in iyaga ay ammaankiisa sugayaa,waxaana la maqlayay dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqayay ” Abiy ha dhaaco.” Gubidda buugga rai’sul wasaaraha ayaa ka dhacday magaalada Dadar.

Nuqulada buugga Mr Abiy ee lagu magacaabo, Medemer, oo la daabacay Sabtidii ayaa laga qaybiyay dalkaasi.

Buugga ayaa waxaa qoraaladiisa diiradda lagu saaray fikirada siyaasadda Ra’iisal wasaaraha iyo sidoo kale halka uu hiigsanayo in uu Itoobiya gaadgsiiyo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top