Connect with us

somalilandtoday.com

Safiirkii Maraykanka Ee Ukraine Oo Ku Markhaati-Furay Madaxweyne Trump

focus

Safiirkii Maraykanka Ee Ukraine Oo Ku Markhaati-Furay Madaxweyne Trump

(SLT- Ukraine)-William Taylor oo ah wakiilka Maraykanka u joogay dalka Ukraine ayaa hortagay saddex guddi oo ka tirsan Baarlamaanka Maraykanka ee hadda wada baadhitaanka horudhaca ah ee mooshinka xil-ka-qaadista Madaxweyne Donald Trump oo loo heysto inuu jabiyey sharciga dalkaasi.

Trump ayaa hore ugu amray William Taylor in aanu hortagin guddiyada Golaha Wakiillada ee baadhitaanka wada, balse amarkan ayuu diiday Taylor isagoo illaa xalay muddo 10 saacadood ah warbixin siinayey guddi hoosaadka Baarlamaanka.

Wakiilka ayaa ku markhaati-furay Trump inuu ku kacay danbiga lagu heysto oo ah in Mucaawinadii lasiin jiray Ukraine uu ku xidhay in Xukuumada Ukraine ay kala shaqeeyaan baadhitaan uu rabay in lagu sameeyo Joe Biden Madaxweynihii hore ee Maraykanka iyo wiilkiisa oo xidhiidh ganacsi la lahaa shirkad laga leeyahay Ukraine.

Donald Trump ayaa horaantii sanadkan joojiyey mucaawinadii Baarlamaanka Maraykanka ansixiyey in la siiyo Ukraine oo gaadheysay $391 milyan oo dollar oo kamid ah caawinaada millatari, Trump ayaa lacagta bixinteeda shardi uga dhigay in Ukraine marka hore ay ka caawiso shaqsiyan wuxuu doonayey oo ah qorshe ka dhan ah xisbiga Dimuquraadiga ah ee loolanka kula jira.

Tilaabada Trump ku joojiyey lacagtan iyo codsiga uu hordhigay Ukraine ayaa ah mid jabinaya Dastuurka Maraykanka iyo xeerka awooda Madaxweynaha, waana qodobkan mid ah ku takrifalka awooda oo ay doonayaan xisbi Dimuquraadiga inay xilka kaga xayuubiyaan Donald Trump.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top