Connect with us

somalilandtoday.com

“Ciidammo Hubeysan Ayaa Igu Soo Wareeray Gurigeyga…” Itoobiya Oo Xaalad Amaan-darro Ku Waabariisatay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

focus

“Ciidammo Hubeysan Ayaa Igu Soo Wareeray Gurigeyga…” Itoobiya Oo Xaalad Amaan-darro Ku Waabariisatay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

(SLT-Addis Ababa)-Jawar Maxamed oo kamid ah dadkii ka dambeeyay isbaddalada ka dhacay Itoobiya ayaa sheegay in xalay lagu soo weeraray gurigiisa oo ku yaalla magaalada Addis Ababa kaddib markii la sheegay inay ciidammo amniga ay gaadheen gurigiisa.

Jawaar wuxuu sheegay in ciidammada dowladda ay ilaaladisa ku amreen inay iskaga soo baxaan gurigiisa isago aan lagu wargelin.

Wuxuu ninka ku anddoocaday in tallaabadaas looga gollahaa in halis lagu geliyo noloshiisa.

Jawaar Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in taliyaha booliska uu u sheegay in ciidammada ay wadeen howlgal amni ah.

Jawaar Maxamed waa nin saameyn weyn ku leh isbaddalada siyaasadeed ee ka dhacay dalka Itoobiya, waxaa uu hogaaminayay dhalinyarada isbaddal-doonka ee qowmiyadda Oromada ee loo yaqaanno Qeero, waana milkiilaha telefishinka Oromo Media Network.

Waxay u muuqata isaga iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inuu khilaaf soo kala dhexgalay maadama ay ahaayeen shakhsiyaad isku dhaw.


Dhalinyarta Qeerro ee uu maamulo Jawhar Maxamed ayaa maanta xidhay dhammaan waddooyinka halbawlaha u ah dalka Itoobiya, taas oo keentay in maanta isu socodka magaalooyinku ay xanibmaan.

Xaaladdan maanta jirta ayaa waxay u badan tahay degaanka Oromiya, iyo magaalooyinka la wada deggan yahay sida Diridhabe.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top